Ku saabsan Klub Kickstart

Mashruuca Klub Kickstart – waa waxbarasho loogu talagalay ardayda qaxootiga ah ee da’doodu u dhaxayso 6-16 jir.

Ujeedada Klub Kickstart waxa waaye in ardayda ka qeyb qaadanaya loga caawiyo luuqada deenishka iyo xisaabta siday ugu ficnaadaan.  Mashruucan wuxu ka yimid fikir laga keenay The Letterbox Club, taso faaido iyo isbadal fiican loga arkay ardayda kaga  qeyb gashay wadanka Ingiriiska.

Caruurta ka qeyb qadanaya waxey helayaan oo loso diraya 6 baakadood oo kalaro badan ah kuwaso indhaha soo jiidanaya . Baakadahaas waxa ku jira  buugag aqris ah,  layliyo xisaab ah, iyo qalimada wax lagu qoro, kuwa wax lagu sawiro, qalabka wax lagu xisaabiyo iyo kuwa  ciyaaro.  Waxyaabaha ku jira baakadaha ayaa laso  xulay iyadoo lala kaashanaayo lataliyayaal xirfadleh  iyo macalimiinta dugsiyada hoose kuwaso  leh aqoon gaar ah oo ku saabsan caruurta qaxootiga ah.

Baakada siddoo kale waxaa ku jira warqad salaan oo ku socoto gaar ahaan cunuga taso ka timid mid ka mid ah dadka na matala ee ku dabo-dayashada fiican leh oo layiraahdo Nadia Nadim iyo Jacob Riising. Baakad walba waxaa siddo kale ku jiri doono warqad waalidka ku socota, taaso ay ku qoran yihiin warbixin  ah waxyaabaha baakada ku jira. Warqada ku socoto waaliidinta waxaa lagu fasiray ama lagu turjumay 5 luuqadadood oo uga badan qaxootiyaasha.

 

Mashruuca Klub Kickstart waxaa diyaariyay hay’adda qaxootiga Deenmaark, Als Research iyo daabacayaasha Alinea & Carsten. Mashruuca waxaa taageeraya ururka Egmont Fonden oo qayb ka ah siyaasadda guud ee maaliyadda  2017-2021, oo taageera dadaallada lagu xoojinayo caruurta nugul iyo dadka da’da yar.

Haddaad u baahato warbixin dheeraad ah, waxaad nagala soo xiriiri kartaa kontakt@klubkickstart.dk

Halkan waxa ka aqrisan karta wixi dheeraad ah oo ku saabsan ciyaaraha iyo  barashada hay’adda qaxootiga.